BBC, deg deg war, Xadka Itoobiya iyo Eritrea oo dib loo xiray

0

Goobta kaliya ah ay isaga kala gudbayeen shacabka dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa Isniintii la xiray.

Waxaa furnaa oo kaliya ah deegaanka ku yaalla xadka u dhexeeya labada dal ee Bure-Assab.

Lamana garanayo sababta ka dambeyso in la xiro xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.

Waxaa gebi ahaanba hakad galay howlihii ganacsiga ee ka socday deegaanka xadka.

Sannadkii lasoo dhaafay, ayay aheyd markii dib loo furay xadka Eritrea iyo Itoobiya kaddib 20 sanno oo ay ka dhex taagneyd dagaall dhanka xadka ah.

Waxay arrintani ka dambeysay markii heshiis nabadeed ay wada gaareen labada dal oo lagu soo afjarayo colaaddii dhanka xadka.