Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali dhige) Wuxu Geeriyooday Isaga Oo Maxkamadihii Iyo Dawladihii Somaliland Ee Kala Dambeeyey Wali Ka La’ Xaqiijin”Yuusuf Gaboobe.

0

Qoraa/Muj Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa ka waramay wakhtigii ay isbarteen Marxuum Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali dhige) oo shalay ku geeriyooday shil gaadhi(wali aan wali lacadayn sobobta shilka Iyo waxa keenay in uu gaadhigiisu uu watay gubto.Yuusub cabdi gaboobe ayaa soo bandhigay markii uhoraysay ee uu marxuumku ugu yimaado xaruntii wargayskii Jamhuuriya xiliga oo ay bilow ahayd dhibtii kasoo gaadhay haamaha shidaalka iyo dacwadii uu ka furtay maxkamada iyo sida ay xukuumadii xiligaa jirtay udhibsan jirtay qoraalada laga sameeyo arinta Marxuum Sali dhige wuxuna yidhi

 

Waxay Aheyd 1999 Markii Uu Maxamed Xasan Siciid Salli-Dhige Noogu Yimid Xarunta Wargeyskii Jumhuuriya si Uu faahFaahin Nooga Siiyo war uu wargeysku daabacay oo ku saabsanaa dhibaatadii isaga iyo 2 qof oo kale kasoo gaadhay kimikadii lagu rinjiyeynayey haamaha shidaalka ee Berbera.

Sheekooyin taxane ah oo kusoo bixi jiray Jamhuuriya iyo The Republican ayaanu ka qornay dulmiga ku dhacay sadexdaa dhalinyaro,markasta oo aanu soo bandhigno wax cusub oo la xidhiidhana waxa dhibsan jiray madaxweynihii xiliga Cigaal iyo shirkaddi Total.

Markii ay xukuumadi ka garaabi weyday qadiyadoodi,Maxamed wuxu Total kusoo ogay dacwad uu magdhaw kaga doonayo taasoo aakhirkii u xukuntay hal milyanoo doolar.Waxase fulintii xukunkaa is-hortaagay madaxweyne Cigaal kaasoo waaliba xiilkii ka qaaday Guddoomiyihi Maxkamadda Sare ee xiligaa Maxamed Xaaji Siciid.

Maxamed wuxu ii Sheegay inuu galayo kuliyadda qaanuunka si uu sharciga u barto oo kolkaas xaqisii la duudsiiyey usoo dhacsado dadkana bilaash ugu doodo.

Afartii sanadood we u dambeeyey waxaanu Qaryaqaan Maxamad inta badan ku kulmi jirnay Maxkamadaha oo aniguna aan dabasocday dacwad magdhaw ah oon dawladda kusoo oogay oo ilaa hadda hortaala Maxkamadaha balse aan kala kulmay carqaladihii iyo is-hortaagi soo maray Salli-Dhige mid la mid ah.

Wali ma arag qof waxaasoo dhibaato ahi ku dhaceen oo haddana ka Calool iyo Niyad wanaagsan.Markaanu is-aragnaba aniga ayuu ii calaacali jiray ama waxuu ka sheekayn jiray dacwad qof kale oo sii khaldan looga garnaqay.Wuxu geeriyooday isaga oo maxkamadihii iyo dawladihii Somaliland ee kala dambeeyey wali Ka la’ xaqisii.