Dhulgo Ka Ka Dhacay Dalka Colombia, Soomaalidu waxay isku habartaa Dhulku kula Go,

0

Ugu ayaraan 17 ruux ayaa ku dhimatay dhul ku go’ay koonfurta-galbeed ee Colombia Axaddii, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Shan ruux oo kale ayaa ku dhaawacan tay, guryo badan ayaana ku burburay magaalada Rosas oo ka tirsan gobolka Cauca.

Dhul go’itaankan ayaa dhacay maalmo ka dib markii ay halkaas ka da’een roobab mahiigaanno ah, xukuumadda ayaana wadda dadaalo burburka looga dhex baarayo dad nool.

Dhulku in uu go’o ayaa caadi ka ah dalka Colombia ee Laatiin Ameerika ku yaalla, gaar ahaanna wakhti roobaadka.

Madaxweynaha Colombia Iván Duque ayaa Axaddii booqday magaalada, saxafiyiintana wuxuu u sheegay in gargaar caafimaad iyo deegaamayn kale loo qorsheeyay dadka uu saameeyay dhulkan go’ay.