Midawga Afrika oo wakhti kama dambays ah u qabtay hoggaamiyeyaasha Suudaan iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo la kulmay hoggaamiyeyaasha milatariga Suudaan

0

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa 15 maalmood u qabtay hoggaamiyeyaasha milatariga ee Suudaan si ay xilka ugu wareejiyaan xukuumad rayid ah, ama xubinnimada laga laaban doono.

“Xukuumad ku meelgaar ah oo milatarigu hoggaaminayo waxay si buuxda uga soo horjeedsan doontaa wixii ay baadigoobayeen dadka Suudaan” ayaa lagu yiri war saxaafdeed uu soo saaray golahaasi ka dib kulan uu ku yeeshay xaruntiisa dhexe ee caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa dalbaday “in guddiga milatarigu uu awoodda iska dhiibo, kuna warreejiyo xukuumad rayid ah” iyadoo aysan arrintaasi la dhaafayn 15 maalmood, haddii kalana Suudaan laga mamnuuci doono ka qaybqaadashada dhammaan arrimaha Midawga Afrika.

Guddigaasi wuxuu intaas ku daray in xubin kala noqoshadaasi ay sii jiro doonto tan iyo inta dastuurkii dalka Suudaan dib looga soo celinayo.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo la kulmay hoggaamiyeyaasha milatariga Suudaan

Ra’iisulwasaaraha ItoobiyaAbiy Ahmed ayaa noqday hoggaamiyihii u horreeyay ee ajnabi ah ee la kulma xubno ka mid ah guddiga cusub ee milatariga ah oo maroorsaday xukunka Suudaan.

Jeneraal Jalaaludiin Al Sheekh ayaa hoggaaminayay wafdiga booqday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Isniintii ayayna Abiy ayayna Isniintii la wadaageen wararkii ugu dambeeyay ee dalka Suudaan, arrintan ayaa timid ka dib markii uu milatarigu xilka ka xayuubiyay, warkan waxaa shaaciyay xafiiska Ra’iisulwasaaraha Itoobiya.

Hoogaamiyeyaasa milatariga ayaadalbaday in Itoobiya ay sii waddo taageeradii ay wakhtiga dheer la garab taagnayd Suudaan.

Dhanka kalana Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa masuuliyiintii soo booqday ku booriyay in ay wax ka qabtaan “dhibaatooyin iyo waxyaabaha kale ee la tabanayo, inta xukunka si nabadgalyo ah ay uga wareejinayaan”. Ayaa lagu sii daray war qoraal ah oo Ra’iisulwasaaruhu uu soo dhigay BBC.

Office of the Prime Minister-Ethiopia

19 hours ago

Prime Minister Abiy Ahmed met a delegation headed by General Galaledin Alsheikh, Member of the Transitional Military Council of the Republic of Sudan. General Galaledin Alsheikh briefed Prime Minister Abiy Ahmed on the situation in Sudan, noting the relationship with Ethiopia is of significant strategic importance. They called upon the Government of Ethiopia to continue its longstanding support to the country particularly in this time of transition.

On his part, Prime Minister Abiy Ahmed reaffirmed the support of the Government of Ethiopia to the people of Sudan, stressing that this support is based on respect for Sudan’s sovereignty and on the principles of non-intervention. He encouraged the Transitional Military Council to be inclusive in addressing grievances and concerns as Sudan makes a peaceful transition.