Somaliland 28 Sannadood Ayay Ku Muujisay Dimuqraadiyad Iyo Xasilooni Siyaasadeed”Prof Buba

0

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu ku qoray in Somaliland muddo 28 sannadood ah iyadoo u dhabar adaygtay ay hirgelisay nidaam dimuqraadiyadeed oo wata xasilooni siyasasadeed.

Dr. Buubaa, ayaa laba qoraal ee uu twitterka ku qoray wuxuu qoraalka Somaliland ka hadlaya ku yidhi “Muddo ka badan 28 sanadood, Somaliland waxay u muujisay si joogto ah nidaam dimoqraadiyadeed, xasilooni siyaasadeed, iyo soo kabasho dhaqaale oo indheer garadnimo ku dhisan kuwaaas oo dhamaantood iyadu samaysatay taas oo sid cad u qalanta inay qayb ka mid noqoto oo ay gurato dheefta midhaheeda.”Qoraalka labaad oo uu kaga hadlayo is dhex galka siyaasadeed ee Geeska Afrika, Turkiga iyo dalalka gacanka Carabta waxaanu yidhi “Is-dhexgalka socda ee dhaqdhaaqyada dhaqeele iyo siyaasadda juquraafiyadeed ee ka dhaxaysa Geeska Afrika iyo wadamada ay ka mid yihiin Turkiga iyo dalalka ka midka ah Golaha Isbahaysiga Gacanka oo ay la socoto is-diidka nasiib darada ah ee ka dhex jira.”