Madaxweynuhu Umada Raali Gelin Ha Siiyo, Waxyaabaha Aan La Qaadan Karina Waxa Ugu Horeeya…” Siyaasi Cabdilaahi Jawaan

0

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar Jawaan ayaa si adag uga horyimid dhawaaqii ka soo baxay madaxtooyada somaliland ee ka dhanka ahaa ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Siyaasi Cabdilaahi jawaan oo la hadlay warbaahinta ayaa farta ku fiiqay xumaanta ka muuqatay warqadii loo soo dhiibay afhayeenka madaxtooyada ee uu akhriyey, waxaanu madaxweyne Muuse ugu baaqay inuu umada raali gelin siiyo.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay “Afhayeenka madaxweynuhu war ayuu soo saaray isaga oo ku hadlaya afka madaxweynaha iyo madaxtooyada waxaanu sheegay inaan loo baahnayn in somaliland lagula soo dhuunto tuugo ama nin wax soo dhacay uu soo galo, Axmed Geelle-na waxaynu ognahay inaanu ahayn nin wax soo boobay ama soo dhacay, lacag deyn ah ayuu qaatay taas oo uu ku qaataysifo sharci ah oo waafaqsan sharciyada caalamka iyo kuwa wadamaba, Djibouti ayuu ka qaatay oo baan ayuu heshiis la galay isaga oo hanti rahan ah dhigay waana laysku raacay iyada oo baankuna ogolaaday, baankuna waxa uu xaq u lahaa in hadii la siin waayo lacagtii inuu qaato wixii la rahmay oo gaadhaysa 25 milyan, isaguna waxa uu amaahday 20 milyan iyada oo 5 milyan ay dheeraad ku yihiin baanka.”

 

Sidoo kale siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa meesha ka saaray in warshada SBI lagu maalgaliyey lacagta uu baanka ka amaahday ganacsade Axmed Cismaan Geelle waxaanu yidhi “Waxa kale oo afhayeenku ku daray in warshada Cocacola lagu dhisay lacagta baankaas laga soo qaatay, warshaduna waxay ka horaysay shan sanadood oo waxa la bilaabay 2010 waxaanu madaxweynihii hore furay sanadkii 2012, labada qalad ee aan meesha qaban ee aan madaxweynaha iyo dalkaba ku haboonayn waxa ugu horeeya in nin muwaadin ah oo sifo sharci ah wax ku qaatay in la yidhaa waxbuu soo boobay meesha wax qabta may ahayn, in la yidhaa maalgelinta waxa uu ku sameeyey warshada SBI iyana wax jira maaha, in la yidhaa booliska Interpol ayaa doonaya oo halkan yimid oo qabanaya oo aanu ka maslaxaynaa oo aanu ka waabinaynaa wax meesha qabta maaha, markaa arinta uu ka hadlay afhayeenka madaxweynuhu dareen xun ayaa ka soo noqday markaa waxaan leeyahay madaxweynaha inuu arintaas saxo oo uu ka bixiyo cudurdaar .”

Sidoo kale siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa intaas raaciyey “Anigu waxaan leeyahay arintaas si caqli gal ah halagu galo, abaalkii Axmedna yaan xumaan loogu badalin oo aan laysku dirin dadka walaalaha ah ee isku nolosha ah, aniguna waan ka badheedhayaa afka uu afhayeenku ku hadlay maaha mid ku haboon madaxweyne iyo afhayeen madaxweyne midna, Muuse waxaan leeyahay ha aamusine ka hadal sharaftaada iyo hogaamintaada ayey wax u dhimaysaaye.”

 

 

 

HOOS KADAAWO