Nin asagoo 6 jir ah qoyskooda dhul laga dhacay oo inta garyaqaan noqday dhulkii usoo dhiciyey

0

Nin reer Uganda ah, oo markuu lix jir ahaa aabbihiis dhul laga dhacay, ayaa ugu dambayntii ku guulaystay in uu dhulkii dib usoo celiyo 23 sano kadib, kadib markii uu noqday gar yaqaan ama qareen.

Jordan Kinyera ayaa dhammaystay 18 sano oo waxbarasho ah iyo tababarro dhanka sharciga ah kahor inta aanu galin hawsha soo celinta dhulka.

Maxkamadda sare ayaa Isniintii qoyskiisa u xukuntay dhulkii laga dhacay.

Mr Kinyera ayaa BBC-da u sheegay in dhulkii qoyskiisa laga dhacay markii uu lix jirka ahaa uu noloshiisa wax badan ka baddalay.

“Waxaan go’aan ku gaaray in aan noqdo gar yaqaan waxaana arrintaas igu dhiirri galiyey dhacdooyin aan usoo joogay markii aan yaraa, iyo sidii ay duruufihii gallafsanaa u saameeyeen qoyskeena intii ay maxkamaddu socotay” ayuu yiri Mr Kinyera.

Aabihiis ayaa waxaa maxkamadda ka dacweeyey dad ay daris ahaayeen kadib markii ay dhul isku qabsadeen sanadkii 1996-dii waxa uuna kiiskaasi jiitameyey in ka badan labaatan sano.

“Aabbahay waxa uu ahaa hawlgab, mana aanu haysan wax dhaqaale ah. Wax dhaqaala ahna masoo gali jirin xilligaas. Waxa uu ku jiray xaalad adag waana midda aniga I dhiirri galisay”.

Mr Kinyera ayaa BBC-da u sheegay in uu ku faraxsan yahay aabbihiis, oo muddo 23 sano ah aan dhiil dhacday toosin.

“Aabbahay waa 82 jir waxba kama uu qaban karo arrinta dhulka. Arrintu annaga caruurta ah ayay noo taal in aan kasii wadno halkii uu uga tagay.”

Muranka dhanka dhulka ah ayaa aad uga jira dalka Uganda. Sida ay sheegeen kooxaha wax u qareema waxay arrintaasi saamayn ku yeelatay 33-50% oo ah mulkiilayaasha dhulka.

Sida uu BBC-da u sheegay Mr Kinyera, dad badan oo reer Uganda ah oo gudaha dalkaas ku barakacay ayaa markii ay guryahoodii dib ugu laabteen waxay la kulmeen muran dhanka dhulka ah.

Mowduucyada la xiriira

Wararka ugu waaweyn

Muxuu yahay heshiiska ay Kenya iyo Soomaaliya maanta ka gaareen khilaafkii diblomaasiyadeed?

Waxaa magaalada Nairobi kulan ku yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal

3 Abriil 2019

Bouteflika oo shacabka Algeria ka codsay in ay saamaxaan

4 Abriil 2019

Dal soo rogey shareecada islaamka iyo reer galbeedka oo ka qeylinaya

3 Abriil 2019

Xul

Dilalka argagaxa leh ee ay qaar ka mid ah ragga Soomaaliyeed u geystaan xaasaskooda

Xarumo dumarka u gaar ah oo laga furey Burco iyo Istanbul

Lammaane xafladdoodii arooska ku dhigtay goobtii Cilmi Boodhari ee Batalaale

Ra’iisul wasaare: Diyaaraddeydu waxay si dirqi ah uga baxsatay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga

Halkan ka dhageyso wareysiga Madaxweyne Saciid Deni oo dheer

Wax ka ogow hannaanka loo maro xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya

Sidee dareemi lahayd haddii aad goolhaye ka noqoto Soomaaliya?

Ma dhaqankii hoggaamiye kooxeednimada ayaa Soomaaliya kusoo noqonaya?