Cali Guray Oo Ka Hadlay Siyaasadaha Maxamuud Xaashi Iyo Barnaamijkii Su,aalaha

0

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa ka hadlay aragti ahaan sida uu u arko siyaasadaha ex wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Siyaasi Cali Guray oo qoraal kooban ku baahiyey bogiisa Facebook Ex wasiir Maxamuud Xaashi ku tilmaamay siyaasi bislaaday oo si run ah u jilaya siyaasada.

Qoraalkiisa ayuu siyaasi Cali Guray ku yidhi:-

LA ISMA XAASIDO EH

Maxamuud Xaashi in uu yahay siyaasi bisil, waayoarag ah, xogogaal ah, aftahannimo uu isku cabiri karo kuna fasiri karo waxa uu ka hadlayo iyo mawqifkiisaba leh munaasibaddan dhegaysiga, waydiimaha, iyo doodda ah ayaa laga arki karaa. Somaliland aad bay u tiro yaryihiin Kuwa aynu siyaasiyiinta nidhaahno anigana igu darba oo inta heerkiisa gaadhsiisani ama sidan saraaxadda ah uga badheedhi kara arimaha uu ka hadlay ee Somaliland iyo kuwa saamaynta ku leh. Odhan maayo mana lihi 100% ayaan ku qanacsanahay ama ku waafaqsanahay arimaha faraha badan ee dhinacyo badan khuseeyay laakiin waxan qirayaa inu yahay siyaasi run ah ee aanu ahayn nin jilaya siyaasi.