Soomaaliya Oo Golaha Amaanka U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Somaliland

0

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa golaha amaanka ee qaramada midoobay u gudbisay dacwad ka dhan ah somaliland.

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa dacwad ka qabta qaabkii madaxweynaha somaliland loogu qaabilay wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka oo uu safaradii ugu dambeeyey ku tagay.

 

Dawlada Soomaaliya u muuqata inay ka cadhootay roogii, labada calan iyo hannaanka guud ee diblamaasiyadeed ee dawladaha Imaaraadka iyo Itoobiya u ku qaabileen madaxweynaha somaliland.

Dacwada ay dawlada soomaaliya u gudbisay golaha amaanka ee qaramada midoobay ayey ku tidhi “Soo dhawaynaha loo sameeyey madaxda somaliland waxay xad gudub cad ku tahay qaranimada soomaaliya”

Dhinaca kale safiirka somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa ka hadlay dacwada ay soomaaliya ka gudbisay somaliland, waxaanu ku sheegay qoraal uu baahiyey in somaliland ay tahay dal madax banaan isla markaana xor u ah cida ay xidhiidhka la samaysanayso, isaga xusay in somaliland aanay haysan aqoonsi ah balse hadana ay xuduudaha somaliland yihiin qaar caalami ah isla markaana ay ka taliso dawlad loo soo doortay si dimuqraadi ah.

Sidoo kale Amb Baashe ayaa xusay in somaliland aanay ogolaansho uga qaadanayn somaliland cida ay xidhiidhka la samaysanayso, waxaanu tilmaamay in midawgii hore ee dhexmaray somaliland iyo soomaaliya uu ahaa mid aan rasmi ah balse haatan ay somaliland dib uga noqotay midawgaasi.

Amb Baashe ayaa si adag u sheegay in somaliland ay sii wadi doonto macaamilka ay la leedahay beesha caalamka ee la xidhiidha inay hesho aqoonsi caalami ah.

 

Halkan Guji Si Aad U Akhrisato Warkaas