Hay’ado ka digay qorshaha lagu xirayo Dadaab

0

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa maanta ka digay in rubac milyan Soomaali ah ay rabshado ku wajahayaan dalkooda, haddii Kenya ay sii waddo qorshaha ay ku xirayso xerada qaxootiga ee Dadaab.

Kenya ayaa soo gudbisay qorshe ay xiradadaas oo ku taalla xuduudda Soomaaaliya ku xireyso bisha August, sida ku cad dokumenti ay hayso QM.

“Soomalai badan oo qaxooti ah ayaa ah dhibanayaasha rabshado ay kasoo carareen ayaga oo raadinaya bad-baado” Waxaa sidaas yiri Otsieno Namwaya oo ka tirsan hay’adda Human Right Watch, kaasi oo sheegay “Qorshahan wuxuu halis gelinayaa xuquuqda iyo amniga dadka.”

“In dadkan lagu qasbo inay dib u laabtaan oo ay wajahaan rabshado iyo saxariir waa wax ka baxsan bani’aadannimada iyo xadgudub lagu sameeyey waajibaadka sharci ee Kenya” ayuu yiri Namwaya.

Hay’adda Amnesty International ayaa iyana sheegtay in Kenya looga baahan yahay ina raadiso xal kale oo ay ka mid tahay in dadka lagu dhex-daro bulshada Kenya ama dib u dejin looga raadiyo dalal saddeexaad.

Hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR ayaa, sida ku ad document ay aragtay AFP, sheegtay inay ka go’an tahay in ay dowladda Kenya kala shaqeyso sidii dadkan ay iskood dib ugu noqon lahaayeen, ama loo dejin lahaa qeybo kale oo dalka Kenya ka mid ah, ama ay u heli lahaayeen dalal saddexaad oo dib u dejin u sameeya.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo magaciisa qariyey, ayaa AFP u sheegay in dowladda ay UNHCR u dirtay qoraal ay ugu sheegeyso inay xireyso xerada Dadaab, balse ma bixin faah-faahin intaas dheer.

“Kenya waxay raadsaneysaa musiibo bani’aadannimo iyo cambaareyn caalami ah, haddii damaceedu yahay inay boqolaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay qasab ugu celiso dalkooda, ayada oo aan gelin la-tashi wanaagsan iyo qorsheyn, islamarkaana eegin amnigooda” waxaa sidaas yiri madaxa Amnesty International ee Kenya Irungu Houghton.

Xerada Dadaab ayaa waxaa degan 230,000 oo qof, oo badankood Soomaali ah.