BBC Maxaad ka taqaan atooraha caanka ah ee xirfaddii uu ku haminayay ka habaabay

0

Mid ka mid ah xiddigaha filimada ee ugu caansan dalka Hindiya ayaa sheegay in xirfaddii uu ilaa yaraantiisa ku hamin jiray aysan ahayn jilitaanka.

In ay dadka caanka ah yeeshaan kooxo kubadda cagta ciyaara, ma ahan arrin ugub ah.

Laakiin ka waran haddii milkiilahaaga uu yahay atoore xiddig ah oo filimada jila, kaasoo baraha xiriirka bulshada ay uga taxan yihiin in ka badan 18 milyan oo ruux?.

Jilaagan wuxuu kooxdiisa ka billaabay aasaaska hoose wuxuuna ku lug leeyahay howl maalmeedkeeda caadiga ah.

Qof ka sidaas sameeyay waa xiddiga shirkadda filimada Bollywood-ka ee lagu magacaabo John Abraham, oo isagoo yar ku hamin jiray inuu kubadda cagta u ciyaaro qarankiisa Hindiya.

Wuxuu hadda maalgaliyay wax ka sii weyn riyadiisa oo ah inuu lacagtiisa ku maalgaliyay aasaaska koox idil oo kubadda cagta ka ciyaarta gudaha dalkiisa hooyo.

‘Maalin waa heshiis filim jilid ah, maalinta xigtana waa heshiis iibsi ciyaartoy ah’

 

Abraham, oo hadda 46 sano jir ah wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu caansan waddanka Hindiya, wuxuuna kasoo muuqday qiyaastii 50 filim oo uu atoore ka ahaa.

Wuxuu sidoo kale soo saaray ama uu hagay filimo kale oo ay jilayeen dad caan ka ah waddankaas.

Atoorahan oo lagu naaneyso ‘Xoog weynaha Bollywood-ka’, hamigiisu ma ahayn inuu noqdo jilaa filimada sameeya. Xilli uu aad u da’ yaraa ayey riyadiisa ahayd inuu garoomada caalamiga ah iyo shaashadaha ka muuqdo isagoo ciyaartoy ah, balse markii ay taas u suurta gali weysay, waxaa dhacday inuu ka muuqdo shaashadaha iyo fagaareyaasha, isagoo jilaa ah.

Marka uu ka warramayo taariikhdiisa jilaanimo wuxuu sheegaa in uu si kadis ah ku noqday Atoore, taasoo uusan waligiis ku fakarin.

 

Sannadkii 2013-kii ayaa loo soo bandhigay inuu ka qeyb qaato aasaaska tartan ay kooxaha kubadda cagta ee Hindiya ku loollamaan.

Isagoo fursaddan ka faa’iideysanaya ayuu yagleelay koox nooceeda aan horay looga aasaasin dunida, taasoo ay ku midoobeen gobollo, halka kooxaha kale lagu yaqaanno inay matalaan hal magaalo.

Kooxdiisa wuxuu ku magacaabay NorthEast United FC, waxayna hadda dhameysteen 5 xilli ciyaareed oo ay ka qeyb galeen horyaalka Indian Supper League(ISL).

Sannadkii ugu horreeyay ayey kooxdiisa hadda usoo baxday ciyaaraha isreebreebka ee heerka sare.

 

Hal maalin waxaan sameynayaa heshiis filim jilid ah oo aan la galayo shirkadaha Netflix ama Amazon, maalinta xigtana waxaan sameynayaa heshiis aan la galayo koox kubadeed oo aan kala soo wareegayo ciyaaryahan”, ayuu yidhi John Abraham.

Xaaskiisa oo lagu magacaabo Priya ayaa la maamusha kooxda oo ay iyaduna ka tahay guddoomiye.

“Dabcan waan jeclahay jilitaanka, balse waxaan sidoo kale aad u jeclahay ciyaaraha waana ku farxaa”, ayuu yidhi.