Markabkii ay tahriibayaasha afduubteen oo Malta ku xirtay

0

Ciidamada jasiiradda Malta ayaa gacanta ku dhigay markab ah kan shidaalka xambaara oo ay afduubteen dad tahriibayaal ah oo badda laga soo badbaadiyay iyaga oo dooni la sabaynaya.

Dadkan oo kor u dhaafaya 100 qof ayaa falkan ku dhaqaaqay kadib markii lagu wargaliyay in dib loogu celin doono dalka Liibiya oo ay markii hore ka yimaadeen.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in tahriibayaasha xabsiga loo taxaabay kadib markii markabka uu baroorsinka dhigtay dekada Malta.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa isna tahriibeyaasha ku tilmaamay “burcad badeeed”

Arrintan ayaa imaanaysa iyaddoo Midawga Yurub uu sheegay in uu joojinayo gaafwareegidda badda Mediterranean-ka.

Ra’isulwasaaraha Malta Joseph Muscat, ayaa sheegay in sida ay tahay loo tixgalin doono qawaaniinta caalamiga ah marka ay timaado qaabka loola macaamilayo tahriibayaasha la xirxiray.