Deg Deg :- Madaxweyne Muuse Biixi Oo Magacaabey Taliyayaal Ciidan

0

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf u magacaabay taliyaha ciidammada asluubta Somaliland.

Sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa hore u ahaa Abaanduulaha koowaad ee ciidamada qaranka Somaliland.

Taliyihii Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ayaa waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi uga mahadceliyay muddadii uu qaranka u shaqeeyay.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Somaliland loo magacaabey xilkii uu hore u hayey taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Somaliland ee ahaa abaanduulaha koowaad ee ciidanka qaranka Somaliland

Dhinaca kale waxaa  warar aan ilaa hada si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheega in taliye cusub loo magacaabey ciidanka madaxtooyada Somaliland , kaas oo ay darajadiisu ay tahay Gaashanle Sare halkii ay hore darajada taliyaha ciidanka madaxtooyadu ahaa sareeye Guuto .

Halkan Ka Hoose Ka Akhriso Warqada Magacaabista  Taliyaha Ciidanka Asluubta

.