Khabiir Maraykan Ah Oo Safiirka USA Ee Soomaalida Ku Canaantay Inuu Ka Gaabiyay Taageerada Somaliland

0

Michael Rubin, oo ah aqoonyahan Maraykan ah oo madax ka ah machadka American Enterprise Institutute dhawaana socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa safiirka Maraykanka ee Soomaalida danjire Donald Yamamoto ku canaantay sida uu uga gaabiyay inuu Somaliland socdaal ku yimaado, iyadoo ay xaaladeeda nabadgelyo tahay mid sugan oo ammaan ah.

Mrichael oo baahiyay qormo dheer oo uu kaga hadlay qorsheyaasha Maraykanka ee ku waajahan Soomaaliya, wuxuu sheegay inuu dhawaan socdaal ku tagay magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Borama iyadoo aanay ciddi ilaalinaya.

Wuxuu nasiib darro ka xun markab sii degaya ku tilmaamay go’aamada sida ula kaca ah loogu curdo duubayo baahiyaha nolosha si ay hoos ugu sii dhacaan, “Nasiib darro.” Ayuu yidhi “Waxay u muuqataa inay tahay siyaasadda Ambassador Yamamoto. Sidii diblomaasiyiintii hore ee Maraykanka ahaa ee loo asteeyay xafiiska Soomaaliya, weli cagta muu dhigin gobalka. Arrinta ammaanku maaha cudur daar. Waxaan dhawaan booqday Hargeysa, Berbera iyo Borama oo aan degenaa hoteelada caadig aah islamarkaana dhex socday iyadoo aanay ilaalo ila socon.”

Wuxuu Mr. Michael intaas raaciyay inaanu danjire Yamamto oo keliya diidanayn inuu xidhiidh dhex maro ciidamada ammaanka Somaliland iyo ciidamada Maraykanka ee saldhiga ku leh Djibouti, laakiin ay sidoo kale safaaradda Maraykanka ee Soomaalidu diidantahay in xidhiidh dhex maro Somaliland iyo saldhiga Maraykanka ee Djibouti, “Yamamato oo keliya ma diidana   inuu taageero gaadhsiiyo Somaliland si ay u sii wado inay isaga difaacdo Al Shabaab, laakiin wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya waxay ka soo horjeedaan inuu xidhiidh dhex maro ciidamada Maraykanka ee Djibouti jooga iyo wasaaradda difaaca Somaliland iyo ciidanka ilaalada xeebaha.” Ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in 1% ka mid ah lacagta Maraykanku uu ku bixiyo Muqdisho oo uu siiyo ciidamada ammaanka Somaliland ay wax weyn u tari lahayd ciidamada ammaanka Somaliland  “Wax qiimo ah kuma qaadanayso Maraykanka inuu xafiis uga asteeyo saldhiga Maraykanak ee Djibouti si joogto ah ula xidhiidhaa ciidamada Somaliland. 1% ka mid ah inta uu Muqdisho u qoondeeyay, ayaa ciidamada Somaliland wax u tari kara iyadoo hadaba hawlgao guulo ah gaadheen oo lagula dagaalamo Budhcadeeda, Alshabaabna loo diidayo inay cagaha soo dhigaan deegaanka, laguna joojinayo tahriibinta hubka sharcid arada ah.”

Wuxuu dawladda Maraykanka ugu baaqay inay door ka ciyaarto wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo ilaa hadda Turkiga gacantiisa ku kooban, waxaanu u soo jeediyay inay ergay gaar ah u magacowdo qorshahaas wada hadalada, waxaanu uga digay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mr. Mike Pompeo in haddii uu dusha ka daawado arrimaha ay malaayiin dollar ku qaadan doonto Maraykanka qas iyo jaho wareerna ka bilaabi doono deegaano imika nabdoon.

Source :- Geeska