Deg Deg, Madaxawynah Dawlada Deganka soomaalida oo xabsiga Dhigay Labadii Siyaasi ee ugu baaqay in uu Is Casilo

0

maamulka dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga dhigay laba siyaasi oo aragti ahaan ka soo horjeeda madaxweynaha deegaanka Mustafe Muxumed Cagjar

Labadan siyaasi oo kala ah Khadar Jikre iyo Axmed Nuur Maxamed ayaa lagu xidhay magaalada Jigjiga ka dib markii ay ka hadleen warbaahinta madaxa banaan isla markaana madaxweyne Mustafe Cagjar ugu baaqay inuu is casilo.

Siyaasiyiintan ayaa waraysiyada ay bixiyeen ku sheegay in madaxweyne Mustafe Cagjar uu ku guul daraystay xilkii uu hayey isla markaana loo baahan yahay inuu kursiga baneeyo.

Ciidamada amaanka ee magaalada Jigjiga ayaa siyaasiyiintan xabsiga dhigay ka dib markii ay is casilaada ugu baaqeen madaxweyne Mustafe Cagjar.

Maamulka deegaanka soomaalida Itoobiya ayaan ilaa hada ka hadal xadhiga labadan siyaasi iyo sababaha keenay.

 

xigasho hadhwanaag