Tuulo Ku taal dalka maali oo Lagu layay 130 Qof, waxana isdilaya labo qoomiyadood o Wada Dega

0

n ka badan 130 qof ayaa lagu dilay Sabtidii weerar lagu qaaday tuullo ku taala bartahama dalka Mali kaddib markii rag hubeysan oo xiran dharka ugaarsatada qowmiyada Dagon ay weerarkaasi fuliyeen.

Rag hubeysan ayaa isku hareereeyay tuullada aroornimadii shalay ka hor inta aysan weerarka ku qaadin dad guryahooda ku jiray deegaanka Ogossago ee gobolka Mopti.

Ragga hubeysan ayaa bartilmaameedsaday xuno ka tirsan qowmiyada Fulani kuwaasi oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxaha jihaad doonk ah.

Weerarka ayaa dhacay xili safiiro ka socday Qaramadda Midoobay ay ku sugnaayeen Mali si ay ugala hadlaan dowladda Mali rabshadaha ka dhaco dalkaasi.

Guddiga howlgalka amniga ayaa la kulmay ra’iisal wasaaraha Mali Soumeylou Boubeye Maiga, si ay ugala hadlaan hanjabaadaha sii kordhaya ee ka imaanaya dagaalyahaada jihaad doonka ee bartamaha dalka Mali.

Dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay weerarkan ayaa lagu dilay qoryo iyo baangado sida saraakiisha amnigu ay u sheegeen wakaalada wararka ee AFP.

 

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale u sheegay AFP in dhammaan guryihii ku yaalay tuulada la gubay.

Sanadkii lasoo dhaafay, boqolaal qof ayaa ku dhintay isku dhacayo u dhexeeyay ugaarsatada Dogon iyo xubno ka mid ah qowmiyada Fulani.

Maalinkii Jimcaha, dagaalyahannada dalka Mali ee taabacsan Al-Qacida ayaa sheegay toddobaadkii lasoo dhaafay inay fuliyeen weerar lagu qaaday saldhig milatari halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 20 askari.

Dagaalyahannada ayaa sheegay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa weerarada loo geysto xoola dhaqatada Fulani.