Laba Wasiir Oo Xeer ilaalinta Qaranku Cadaysay In Eedo Musuq-maasuq Looga Soo Gudbiyay

0

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka somaliland Xasan Axmed Aadan ayaa shaaciyay in dacwado eedo musuq-maasuq ah oo loo haysto Wasiiradda Wasaaraddaha Warfaafinta Iyo Gashaan-dhigga Somaliland ay Soo Gaadheen oo Hadda ay Yalaa Xafiiska Xeer ilaalinta.

waxa jiraan dacwado uu noo soo gudbiyay Hanti-Dhawrka qaranka somaliland oo uu soo baadhay oo haddana yaala xafiiska waana laba fayl midi waxa uu la xidhiidhaa wasaaradda warfaafinta oo lagu dacwaynayo masuuliyiintaas,mida kalena waa wasaarada gashaan-dhiga oo iyagana lagu dacwaynayo markaas labadaas faylba way yalaan xafiiska xeer ilaalinta qaranka markaas anaga oo raacayna nidaamka sharci ee waddanka u dajisan iyo dastuurka,markaas waa laga maarmaan marka cid la dacwaynayo qofku doono ha noqdeen in eedaas loo soo jeediyay dib u eegis lagu sameeyo oo la-lafa guro dhismaha dacwadaasi xaga ay waafaq-san tahay hadii ay noqon lahayd xeerka iyo lacagaha lagu eedaynayo in ay is waafaq-san yihiin.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Horn Cable Tv

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka somaliland ayaa tilmaamay in isagu marka uu ku qanco dacwadda loo soo gudbiyay inuu qaadan doono talaabooyin masuuliyiinta xilalka haya ee dacwadda musuq-maasuqna ku socoto in ay madaxwaynaha ka dalbadaan inuu xilalka ka qaado si dacwadooda loo gudo galo.

Xasan Axmed Aadan ayaa dhinaca kale tilmaamay in maxkamaddaha dalka somaliland ay samaynayaa Gaf cada oo masuuliyiin ku eedaysan musuq-maasuq ay ku sii daynayaan damaanadda taasi oo aanu dhigayn xeerka iyo dastuurka somaliland midna.

“Anaga oo daba-qayna xeerka la dagaalanka musuq-maasuqa iyo hanti lunsiga maleh damaanad xeerkuna waxa uu dhigayaa inaanay lahayn damaanad iyo waliba iib markaas maxkamadahu waa in ay dabaqaan sharciga oo marba cadaymaha loo keenaa inta ay leeg tahay marba ku hogaamiyaan oo ku saleeyaan,lakiin maaha in xeer qoran ay buriyaan iyaguna waa kuwii ilaalin lahaa sharciga iyo xeerarka dalka.

Labadda wasiir ee ugu sareeya wasaaraddaha warfaafinta iyo gashaan-dhiga oo kala ah wasiir Guri-Barwaaqo iyo Wasiir Ciise Axmed Yuusuf Xawar Ayaa loo haystaa arimo musuq-maasuq oo hadda ay gudo galayaan xeer ilaalinta qaranka somaliland sidii ay dacwado ugu soo oogi lahaayeen,waxaana ay noqonaysaa markii ugu horaysay oo wasiiro xilal ka haya xukuumaddihii taladda dalka u kala dambeeyay lagu soo oogo eedo ah in ay lunsadeen Hanti Dadwayne.

 

Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in qaabka sharcigu dhigayo ay u mari doonaan dacwadaasi musuq-maasuq ee hanti dhawrku soo gaadhsiiyay,waxaana uu cadeeyay in talaabooyin wax ku ool ah ay qaadi doonaan madaama oo kiiskani yahay mid culus oo xaga musuq-maasuqa ah.