BBC Madaxawyne waqti Dheer Xukunka dalkiisa hayay oo Go,aaan Adag qaatay isna Casilay,

0

Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev, ninka keliya ee dalkaasi ka talinayay tan iyo intii uu ka baxay burburkii Midowgii Soviet horraantii 1990-meeyadii, ayaa iscasilay.

Khudbad uu jeediyay, ayuu ku sheegay in go`aanku “uusan fududeyn” balse uu doonayo inuu caawiyo “Hoggaamiyeyaasha jiilka cusub”.

Mr Nazarbayev, oo 78 jir ah, ayaan caqabado badan la kulmin tan iyo intii uu qabtay xukunka dalkaas saliidda qaniga ku ah, sanadkii 1989.

Wuxuu weli madax ka sii ahaanayaa xisbiga talada haya ee dalkaasi.

Mr Nazarbayev ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka dalkaas, Kassym-Jomart Tokayev, uu sii heyn doono xilka madxatinnimada inta muddadiisa uga hartay ilaa bisha April, sanadka 2020.

Waxay dad badan ka filayeen inuu mar kale isku soo taago xilka madxatinnimada.

Iscasilaaddiisa ayaa imaaneysa toddobaadyo uun kaddib markii uu riday dowladda, isagoo sheegay inay ku guul-darreysatay horumarinta dhaqaalaha.

Mr Nazarbayev wuxuu ahaa madaxweynaha keliya ee ay Kazakhstan yeelatay. Dad badan ayaa u haystay inuu weligii xilka hayn doono.

Waa kuma Nazarbayev?

Wuxuu dhashay sanadkii 1940, Mr Nazarbayev wuxuu markii hore noqday xoghayaha Xisbigii Hantiwadaagga Kazakhstan sanadkii 1989 markii dalkaasi uu ka tirsanaa Midowgii Soviet.

Kaddib markii uu Kazakhstan xornimada qaatay, wuxuu soo noqday madaxweynihii dalkaasi, sanadihii 1999, 2005, 2011 iyo – kii ugu dambeeyay – sanadkii 2015.

Muddadii dheereyd ee uu xilka hayay Mr Nazarbayev wuxuu xoogga saaray isbeddelka dhaqaalaha.

Dalal badan ayaa ku eedeeyay musuqmaasuq iyo tacaddiyo baahsan oo xuquuqda aadanaha ah.

Hase yeeshee, taageerayaashiisa ayaa abaal uga haya xasiloonida iyo nabadda uu dalkaasi ku soo dabbaalay, iyo horumarka dhaqaale ee uu dalkiisa gaarsiyay.

Kazakhstan waxay baaxad ahaan la ektahay Galbeedka Yurub, waxayna leedahay kheyraad macdan oo badan.

Tan iyo intii uu dalkaasi xornimada qaatay burburkii midowgii Soviet, sanadkii 1991-dii, maalgashi badan oo dhanka saliidda ah ayaa sababay inuu dalkaasi koboc badan sameeyo.

Waxaa Kazakhstan ku nool qowmiyado kala duwan. Qowmiyadda Kazakhs ayaa ugu badan qowmiyadaha dega dalkaas, waxaana soo raaca dad Ruushka ka soo jeeda, iyo qowmiyado kale oo laga tiro badan yahay. Diinta ay dadka ugu badan haystaanna waa Islaamka.