Toogasho ka dhacday magaalada Utrecht, Netherlands

0

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen magaalada Utrecht ee dalka Netherlands kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay goob laga raaco tareenada.

Waxaa la xiray dhammaan jidadka soo gala goobta uu weerarka ka dhacay oo lagu magacaabo Fagaaraha 24-ka October.

Duqa magaalada Utrecht Jan van Zanen ayaa yiri “ “Waxaan xaqiijinay dhimashada saddex qof, iyo shan kale oo dhaawac ah, kuwaas saddex xaaladooda ay liidato”

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in weerarka uu u muuqdo fal argagixisanimo.

Dowladda Netherlands ayaa meeshii ugu sarreeyey gaysay heerka halista ee magaalada Utrecht.

Waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka iskuullada, masaajiddada, iyo goobaha laga raaco gaadiidka dadweynaha.

Ra’iisul wasaaraha Netherlands, Mark Rutte ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xalaadda.

Ninka toogashada fuliyey ayaan illaa iyo hadda gacanta lagu dhigin.