Fanaankii Cabdi tahliil oo Xanuun La Ildaran, dawlada farmajana u Joojin wayday

0

Cabdi Tahliil Warsame wuxuu safka hore kaga jiraa fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh fanka soomaalida, heesihii uu ku luuqeeyey waxay kaalimaha ugu sarreeya kaga jiraan dhageysiga keydka suugaanta ee ay isticmaalaan bulshada soomaalidu.

Xaaladda caafimaad ee fannaanka Tahliil ayaa sii xumaanaysa waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu ka helay qaranka.

Sida lawada ogyahay guud ahaa ma jiraan adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo loo sameeyo haldoorka taariikhda ku dhex leh bulshada Soomaalida, maadaama aysan jirin waqtigan Soomaaliya kaabayaal caafimaad oo dowli ah.

Waxaa soo baxaya warar lagu baahiyay baraha bulshada oo la xariirta xaaladda daryeel ee Tahliil.

“Cabdi Tahliil mudo dheer ayuu xannuunsan yahay aadmiga waxaa la gudboon dadaal, cafimaadka illaahay ayaa bixiya, waxaan aamin sanahay wax loo reebtay oo dadaal ah in aysan jirin, sariir ayuu saaran yahay walina ma uu caafimaadin”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay Abwaan Guure oo kamid ah saaxiibada dhow ee fannaan Cabdi Tahliil.

Abwaan Guure ayaa sidoo kale sheegay in fannaanka loo qaaday wadamo dhowr ah si loogu soo daaweeyo.

“Mar waxaa loo qaaday dalka Imaaraatka cafimaad. dawo kamuu soo helin, Nairobi mar ayaa loo qaaday gudahana waxaa u danbeeyey isbitaalka Digfeer, dadweynaha Soomalaiyeed iyo xukumadihii iska danbeeyey dadaal ayay ku bixiyeen si uu caafimaad u helo”, ayuu yidhi.

Sidoo kale Xamdi Cabdi Tahliil oo uu fannaanka xanuusan aabe u yahay ayaa BBC-da u sheegtay in bulshada Soomaaliyeed iyo xukumadihii dalka soo maray intii uu xannauunsanaa ay garab istaageen dadaalka lagu doonayay in lagu daryeelo fannaanka balse wali uu xannuunsan yahay.

Taariikh kooban oo ku saabsan Cabdi Tahliil

Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday.

Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waabari.

Kooxihii kale ee uu Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas.