Wasiir Reer Jabuuti ah oo Cunaqatayn Dhaqaale saaray fanaaniin iyo Qaar uu Soo dhawaystay

0

Wasiirka awqaafta iyo dhaqanka dalka Djibouti Muumin Xasan ayaa si badheedh ah u haysta lacago fanaanada Aamina Afrik uga soo xarooday bandhig faneed ay si wada jir ah u qabteen fanaanka Cawaale Aadan.

Warar ay heshay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyey in wasiirka awqaafta iyo dhaqanka Djibouti Muumin Xasan uu wali haysto dhaqaalihii ay fanaanada Aamina Afrik ka heshay bandhig ay qabatay iyada oo wasiirku uu bixiyey qaybtii uu fanaanka cawaale Aadan ka helay lacagta ka soo xarootay shawgii uu la qabtay Aamina Afrik iyada oo ay muuqato in wasiirku u kala hiiliyey labadan fanaan.

Bandhig faneedka ay wada qabteen fanaaniinta Aamina Afrik iyo Cawaale Aadan ayaa ahaa mid lagu galayey lacag gaadhaysa shanyo toban kun oo faranka Djibouti ah.

Sidoo kale wasiirka awqaafta iyo dhaqanka Djibouti Muumin Xasan ayaa fanaanada Aamina Afrik ka reebay inay ka mid noqoto fanaaniinta ka heesayey xafladii afartan guurada xisbiga RPP oo ay mudo badan taageeraysay, waxaana heesihii ay u soo diyaarisay xisbigaasi ay meesha ka baxeen ka dib markii uu wasiir Muumin amray in laga reebo fanaaniinta ka qayb galaya munaasibada.

Wasiirka awqaafta iyo dhaqanka dalka Djibouti ayaa taageero iyo gacan qabasho qabyaaladaysan u fidiyey fanaanka Cawaale Aadan oo mudo badan mucaarid ku ahaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladiisa, isaga oo ka dhigay fanaanka gaarka ah ee madaxweynaha, iyada oo ujeedada uu ka leeyahay ay tahay inuu cadaawad kala dhex dhigo fanaaniinta Djibouti iyo dawladooda ay mudada badan soo taageerayeen.

Talaabada uu qaaday wasiirka awqaafta iyo dhaqanka dalka Djibouti Muumin Xasan ayaa lafjab ku ah fanaaniinta mudada dheer soo garab taagnaa madaxweyne Geelle iyo dawladiisa isaga oo haatan ka doorbiday fanaanka Cawaale Aadan oo mucaaridad adag kaga soo horjeeday xukuumada balse mudo yar oo kooban dalka joobay ka dib markii uu madaxweyne Geelle cafiyey.

Fanaanada Aamina Afrik oo aanu la xidhiidhnay ayaanay noo suura gelin inaanu khadka telefanka waraysi kaga qaado.

 

xigasho hadhwanag news