Wadahadaladdu Waa Somaliland Iyo Soomaaliya, Puntland Xisaabta Kuma Jirto

0

Sida la filayo, waxaa dhawaan, haddii ay aqbasho maamulka federaalka ee Muqdisho lagu ilaaliyo, ka bilaabmaya magaaladda Accra, ee dalka Ghana, gogoldhigii wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Wadahadalkaa oo haddii la qabto, quseeaya xidhiidhka mustaqbalka labadda dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, kuma jiraan maamul goboleedka ka tirsan federaalka Soomaaliya.

Wadahadalkani wuxuu dhexmarayaa labadii dal ee 1960kii isku biiray, Somaliland iyo Soomaaliya, wakhtigii Puntland may jirin, xisaabtana maanta kuma jirto.

Waxkasta oo dastuurka aan loo coddeyn ee maamulka federaalka ee Muqdisho sameysatay ku qoran, Somaliland ma quseeyo.

Somaliland kama mid aha federaalka Soomaaliya, waa dal madaxbanaan, oo ku xisaabtamaya xuduudkeedii 26 June, 1960.

Markaa, haddii ay Puntland doonaso in ay Somaliland wadahadal la gasho, ha ka baxdo federaalka Soomaaliya, ha ku dhawaaqdo gooni isu taag, xuduud ha la jeexato Soomaaliya inteeda kale, markaa kadibna miiska ha is keento.

Haddii kale sow ma aha, ha aqbasho waxay kula heshiisay maamulka federaalka ee Muqdisho.