Qaabka Magaalada Moqdisho Loogu Soo Dhaweeyey Madaxweynaha Dalka Jabuuti

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaadhay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay dalka Somaliya ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir.