Dp World oo Soo Bandhigtey Wiishashkii U Horeeyey Ee Loo Adeegsanayo Dekedda Berbera

0

DP World ayaa dekedda Berbera markale keentay bishan Wiishashka Dekedaha ee Dhaqaaqa oo loo adeegsanayo Dekedda Berbera.

Soo bandhigista wiishashka ayaa ah horumar ballaadhan oo ay sameysay DP World Berbera, maadaama dekeddu ay markii ugu horreysey bixinayso adeega wiishashka, taas oo wax weyn ka tartay kor-u-qaadidda adeega gaadiidka badda. Maalgashi dhan USD12 milyan ayaa lagu bixiyey keenidda saddex wiish oo cusub, si ay u labanlaabanto wax-qabadka dekeddu, iyada oo si muuqata hoos ugu dhigtay wakhtiga loo addeego gaadiidka badda, xasilisayna hawlaha dekedda xilliyadda maansoonka, isla markaana kor u qaaday nabad-qabka addeega dekedda.


Suhail Al Banna,  Madaxa Guud iyo Maamulaha DP ee Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa sheegay: “Saddexda wiish ee haatan la keenay ayaa door aad u muhiim ah ka qaatay horumarinta dekedda Berbera. Waxa ay u oggolaan doonaan in maraakiib badan  loo addeego, si ay ugu danbeynta loo kordhiyo isku-socodka ganacsiga ee dalka iyo gobolkaba.  Inta ay socoto shaqada dhismaha lagu balaadhinayo dekeddu, waxa markhaati laga noqonaya  isbedelka ku imanaya awoodda kaabayaasha, taas oo horseedaysa in dadka halkan iyo gobolka Geeska Afrikaba ka faa’iidaystaan. DP World Berbera  waxa ay jeexday tub labaad oo lagu gaadhayo suuq caalami ah, taas oo faa’iido u leh dadweynaha Somaliland.”

Maalgelinta wiishashka cusub  waa talaabaddii ugu danbaysay ee talaabooyin lagu horumarinayo Dekedda Berbera. Laga soo bilaabo 2017, DP World Berbera waxa ay soo bandhigtey  qalabyo casri ah oo lagu xanbaaro kontaynaradda, gaadiid iyo habab cusub oo qayb ka noqon doona  casriyeynta dekedda taariikhiga ah. Sannadkan 2019,  DP World waxa ay bilawday Nidaamka Hawl-galka Tirminaaladda ee Zodiac, Nidaam Xisaabeedka Oracle, iyo  Nidaamka Maamulka  iyo Maareynta Hantida Ganacsi ee Maximo , si ay u bixiyaan addeegyo dhakhso ah oo habboon oo dhanka khadadka maraakiibta.

Shaqaalaha DP World Berbera ayaa lagu tababaray  wiishashka Dubay, taas oo qayb ka ah barnaamijyada lagu horumarinayo hal-abbuurka shaqaalaha maxaliga ah oo ilaa haatan la tababaray tirro ka badan 2700 oo reer Somaliland ah sannadkii 2018.

 

Weydiimaha warbaahineed, fadlan la soo xidhiidh:

Awad Mustafa
Maamulaha Xidhiidhka Warbaahinta, Bariga Dhexe iyo Afrika
DP World
Tel: +971 564185485

awad.mustafa@dpworld.com

Sanaa Maadad
Maamulaha Xidhiidhka Warbaahinta
DP World
Tel: +971 505522610

sana.maadad@dpworld.com

Kala soco DP World:
Twitter: https://twitter.com/DP_World
LinkedIn: https://www.linkedin.com/company/dp-world