Somaliland oo Safaarad Ku Yeelanaysa Dalka Turkiga

0

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland Mudane Maxamed Muuse Abees oo mudooyinkii u dambeeyay socdaal-shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan kula qaatay Dalkaasi Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Turkiga.

Wasiir Abees ayaa kulan la qaatay laba masuul oo kala ahaa Xoghayaha Arimaha Afrika U Qaabilsan Turkiga Ahmed Rıza iyo Uqaabilsanaha wada hadalka Somaliland iyo Somaliya Olgan Be

Kulankan oo ka qabsoomay Wasaaradda arrimaha dibadda Ee Turkey-ga, ayaa waxaa ay lagaga wada hadlay, Sidii loo adkayn laha xidhiidh-ka ka dhaxeeya labaa dal, isla markaana loo furi lahaa xafiiska Somaliland ay ku yeelan doontoTurkey-ga,iyagoo taas-na soo dhaweeyay.

Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Msasuuliyiintan ayaa sidoo kale ka wada xaajooday Deeqaha waxbarashada, Mucaawinooyinka, Biyaha,Wadooyinka,Beeraha iyo Arrimo kale.