Nuxurka Heshiisyo Ay Kala Saxeexdeen Hogaamiyeyaasha Itoobiya Iyo Faransiiska

0

Madaxweynaha wadanka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho ku jooga wadanka Itoobiya oo uu maanta gaadhay.

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyo madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa magaalada Addis Ababa ku gaadhay heshiis is afgarad oo laba dhinac ah.

 

Sida lagu baahiyey war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya, hogaamiyeyaasha wadamada Itoobiya iyo Faransiiska ayaa gaadhay heshiis iskaashi oo u dhaxayn doona labada dal.Wasiirka gaashaandhiga Itoobiya Aisha Mohhammed ayaa saxeexday heshiis uu raysal wasaare Abiy Ahmed la gaadhay madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron kaas oo ku saabsan tababarka, dhismayaasha kor loogu qaadayo awooda dawlada iyo qorshaha wax isdhaafsi ee labada dal.

Sidoo kale wasiirka maaliyada Itoobiya Ahmed Shide ayaa saxeexay heshiis ku saabsan iskaashiga dhinaca dhaqaalaha ee labada wadan kaas oo ay gaadheen hogaamiyeyaasha labada dal.

Heshiiska iskaashi ee dhinaca dhaqaalaha ayaa ku saabsan isfaham ku saabsan in faransiisku uu maalgashi ka hirgeliyo Itoobiya, taageero dhaqaale oo faransiisku siiyo Itoobiya iyo iskaashi labada wadan ka yeeshaan dhinaca hidaha iyo dhaqanka.

Heshiisyadan ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo kor loogu soo qaadayo xidhiidhkii u dhaxeeyey wadamada Itoobiya iyo faransiiska.