Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Mushahar La’aani Soo Food Saartay

0

Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaan bishii labaad wax mushaharaad ah helin, iyada oo  aan ilaa hadda la garanayn sababta ay u dhacday mushahar la’aantaasi.

Shaqaalaha wasaaraddan ayaan bishii labaad ee sannadkan wax mushahar ah qaadan, iyada oo ay maanta bishu marayso 11 cisho .

Dhowaan ayay ahayd markii ay gubatay qayb kamid ah wasaaraddaasi, iyada oo shaqaale badan loo xidh xidhay markii dambena lasoo daayey qaar kamid ah .

Sidoo kale waxa wasaaradda galay dhowaan Audit baadhitaano ku samaynaayey xisaabaadka lacageed ee wasaaradda iyo kharashaadka ka baxa, iyada oo aanay weli wax natiijo ah kazoo saarin baadhitaankaasi.

Warar hoose ayaa sheegaaya in ay jiraan mad madow soo dhex galay xafiiska hanta dhawrka iyo wasiirka wasaaraddaasi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) , kaas oo ku aadan lacago tiro badan oo lagu qoray in ay ku baxeen barnaamijyo aanay ku bixin.