Maxaad kala socota duuliyaha koobaad ee diyaaradda burburtay?

0

Duuliyaha koobaad ee diyaaradda burburtay waxaa lagu magacaabi jiray Yared Mulugeta. Saaxibkiis ayaa sheegay in marka uu maqlay inuu saaxibkiii shil ku geeriyooday ay xaadda istaagtay.

Hassan Katende oo BBC qaybteeda Af-amxaariga u warramay ayaa sheegay “in shilka diyaaradeed ee uu saaxibkii ku dhintay uu ka arkay baraha bulshada.”

Waxaanna baraha bulshada ku qoray ayuu yiri “shil diyaaradeed ayaa dhacay Saaxibkeey magaciisa wax sheegayana ma arag isagana wuu i soo wici jiray marka uu safar aadaye sideey wax u jiraan?”

“Gelinki dambe, xilli ay saacaddu ahayd abaare labadii duhurnimo waxaa ii soo jawaabay wiil aan saaxibbo nahay wuxuuna ii sheegay inuu saaxibkeen Yaareed shilkaasi ku geeriyooday”, ayuu yidhi.

“Ilaa iyo hadda geerida saaxibkey waan aamini la’ahay, jiif iyo joogna waan qaban waayey wixii intaa ka dambeeyay” ayuu sii raaciyey hadalkiisa”.Wuxuu jeclaa ciyaarta Rugby-ga”, ayuu yidhi Hassan Katende, mar uu ka hadlayay waxyaabaha uu jeclaa saaxiibkiisa, oo ah duuliyaha diyaaraddii Itoobiya ee shalay burburtay.

Hassan Katende, oo ay duuliyaha saaxiibo ahaayeen muddo 11 sano ah ayaa waxa ay si wada jir ah u taageeri jireen ciyaarta Rugby-ga, waxayna u wada daawan jireen si wada jir ah.

Duuliyaha waxa uu ku dhashay dalka Kenya, aabahiis waa Itoobiyan halka ay hooyadiisna u dhalatay Kenya.

Carruurnimadiisa waxa uu ku qaatay dalka Kenya, isagoo barashada duulimaadka ku qaatay Itoobiya.

Waxa uu ku hadlaa luuqadaha kala ah Amharic, Swahili iyo English.

Xassan waxa uu warka burburka diyaaradda ka maqlay baraha bulshada balse ma uusan filaynin inuu yahay saaxiibkiis Yared.

“Markii aan warka maqlay oola ii sheegay in duuliyaha magaciisa uu yahay Yared, maskaxdayda kuma aysan soo dhicin inuu yahay saaxiibkay, balse fiidnimadii ayaa la ii xaqiiyey inuu yahay saaxiibkay, xaadda ayaa i istaagtay, ilaa hadda waan argagaxsanahay”, ayuu yidhi.

Hassan ayaa sheegay inuu doonayo in saaxiibkiis Yared lagu xasuusto inuu yahay halyeey.

Diyaaraddii shalay ku burburtay dalka Itobiya waxaa saarnaa shaqaala badan oo qaramada midoobay ka tirsan oo ku soo socday shirka maanta ka furmay magaalada Nairobi.

Hase yeeshee, Shirka oo ku saabsan ilaalinta deegaanka oo ay qaramada midoobay soo qaban qaabisay waxaa loogu baroor diiqay shaqaalihi isku waday ineyka qayb galaan.

Waxaa lagu soo warramay in 157 ruux ee ku geeriyootay shilka diyaaradeed ay 15 ka mid ah ahaayeen shaqaalaha Qaramada Midoobay.