Hogaamiyihii Ururkii daalibaan oo Maraykanku Xukunka ka Tuuray, raadinayayna Aya la ogaaday in uu ku noolaa mudadii nolashiisa uga hadhasanayd dhisme ku dhow saldhig miltari

0
mullah Omar

Aas-aasaha ururka Taliban Mullah Cumar ayaa sanado badan ku noolaa meel masaafo kooban oo socod ah un u jirta saldhigyada ciidamada Mareykanka, sida lagu sheegay buug cusub, taasi oo soo jeedeineysa guul-darro ceeb ah oo asiibtay sirdoonka Mareykanka.

Hogaamiyayaasha Mareykanka iyo Afghanistan ayaa rumeysnaa in Mullah oo la’aa hal il uu u cararay dalka Pakistan ugu dmabeynna ku dhintay.

Si kastaba, buug cusub oo taariikhdiisa laga qoray ayaa shaaca ka qaaday inuu ku noolaa meel saddex mile un u jirta saldhigga ciidamada Mareykanka ee gobolka Zabul, halkaasi oo uu ku dhintay sanadii 2013.

Buugga “Raadinta Cadowga” oo uu qoray suxufiga reer Holland ee Bette Dam ayaa sheegay in Mullah uu u noolaa sida wadaad suufi oo kali ah oo kale, uuna diidi jiray in lasoo booqdo.

Dam ayaa shan sano diyaarinayey buuugga, wuxuuna wareystay Jabbari Omari oo ah ilaaliyihii shaqsiga ee Mullah, kaasi oo qariyey islamarkaana ilaalinayey kadib markii Taliban xukunka laga tuuray.

Kadib weerarkii 9/11 oo horseedeay in ciidamada Mareykanka ay xukunka ka tuuraan Taliban, Mullah ayaa la sheegay in la geeyey islamarkaana uu ku noolaa dhisme ku yaalla magaalada Qalat ee gobolka Zabul, isaga oo marti u ahaa qoys halkaas degan, balse aan aqoon cidda uu ahaa.

Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in laba mar ay baaritaan ku sameeyeen xaafadda uu deganaa hase yeeshee aysan u suurta-gelin inay gacanta ku dhigaan.

AFP