Siyaasi Somaliland ah oo falanqeeyay Sirta ka danbaysa Kaxayntii Apy axmed ee Kenya,

0

Waar miskiinkan Farmaajo horta ma geenyadii Bixin ee markay ceelka timaadoba iyadoon biyihii afka saarin ninkii doonaaba ku dhacayay ee markuu halkii uu rabay ku gaadho ee hadana soo aroorto mid kale leedada ku fuulayay iyadoo biyo kabbanin baa. Ma waxaynu aragnay Madaxwayne dal booqday oo Madaxwaynihii ama Ra,iisul Wasaarihii xukumay ku yidhaa soo fuul dayuuradda aniga idin heshiisiinaya Madaxwayne kale eh? oo haye intuu yidhaa shidhka lagu qaato oo muraadkii la doono marka laga soo dhamaysto lagu yidhaa taw dheh hadaba oo ku noqo dalkaagii. Hadda Abiye Axmed ayaa Addis Ababa ka qaatay oo intuu ula tegay ninkii Kuukuuyo ee madaxwaynaha Kenya sidii uu doonayay u ogolaaday in khilaafka Kenya iyo Somaliya ee xadka biyo-badeedka aan sharciga caalamiga ah lagu dhamayn ee hoos hoos gacanta la isugu dhiibo.

Kenya ma waxad moodi in xadka biyaha uun uu muraadkeedu yahay? anigu uma qabo. Inta ogi way ogyihiin oo magacan Jubbaland wuxu soo celiyay taariikho hore oo xiliyadii Isticmaarka ahayd weliba intii xadka Kenya iyo Somaliya aan la qeexin ahayd oo Jubbaland iyo Azaania la odhan jiray. Marka khariidadahaa hore la raaco Jubbaland oo dhan Kenya way ku murmi kartaa waana halka ay ku socoto. Marka hoos hoos iyo gacan dhiib tahay Jubbaland is on stake. Itoobiya lafteedu hunguri kama madhna marka ay bililiqada Somaliya tahay Zaylacna maaha sheekadu ee Badda Indian ocean oo 180Km u jirta sida ay khariidado iyo heshiisyo hore ay tibaaxayaan waa suurtogal inay Galmudug ka dhex-toosto oo Hobbyo iyo Ceelbuur soo taabato.

Hadii Somaliya ay tahay in la bililiqaysto yaa ka leh Somaliland maxaase u diiday intay fedaraal-diid uun la soo ligan tahay inay hawaysto inay iyaduba qabsato Somaliya intii Kenyaan iyo xabashiye qabsan lahayd. Somaliland inay ilaa Raad Kambooni soo taabato wax sharciyad caalami ah oo u diidayaa ma jiro laakiin nasiib darro Somaliland waa Isaaq oo hankoodu Hargeysa iyo Burco ma dhaafsiisna hanka Kenya iyo Itoobiyana hakuu joogo waynu aragnaa. Ma waxad moodaysaa Somaliland ilaa Jubbaland in wax dagaal ahi ka hor imanayo? maya mayaa sacabka iyo mashxaraddu Garoowe ayay ka bilaabmaysaa weliba Galmudug ay marayso qof waliba hub wuxu hayo damaashaadka ayuu kor u ridayaa. Marka ay Muqdisho gaadhaan Kenya qaylo ayay ku dhufan doontaa “ Colka Somaliland ee Muqdisho soo gaadhay kuma ekka xadka Somaliya ee WAQOOYI BARI KENYA inta aanay qabsanin dunidu ha noo soo gurmato xad-biyoodna dooni mayno eh. Waxan dhici karin maaha laakiin nasiib darro tolkay waa Isaaq oo soomaali reer ka han yari ma jiro oo hankooduba Burco iyo Hargeysa ma dhaafo

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)