Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

BBC: Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhawaaq qarax la maqlay. Uuro iyo qiiq ayaa cirka isku shareerary meel la sheegay in aysan sidaa uga fogayn taalladii xaawo taako.

Ciidammada ammaanka iyo gawaarida gurmadka degdega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay.

Faahfaahinta laga hayo ayaa aad u yar balse waxaa jira warar sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay jirto, sida uu BBC-da u sheegay qof deegaanka ah.

Qaraxan ayaa imanaya iyadoo wali ayna Muqdisho ka soo kaban, weerarkii saacadaha badan qaatay ee Khamiistii hore lagu bartilmaameedsaday waddada Maka Al Mukarama.

Sources: BBC