Suxufiyiin Kenyan Ah Oo Somaliland Yimid Iyo Amb. Baashe Cawil Oo Soo Bandhigay Ujeedada U Socdeen

0

Safiirka somaliland ee wadanka Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa ka warbixiyey suxufiyiin ka socday wadanka Kenya oo socdaal ku yimid somaliland.

Amb Baashe Cawil oo soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo ujeedada socdaalkan ayaa sheegay in suxufiyiintan oo maanta dalka ka dhoofay ay diyaariyeen barnaamijyo ku saabsan somaliland.

Warsaxaafadeedka Amb. Baashe Cawil ayaa u dhignaa sidan “27kii February, 2019 Waxa magaalada Hargeisa soo gaadhay Wefti Suxufiyiin caalami ah oo ka socday dalka Kenya, kuwaas oo ka koobnaa KTN, CGTV, Standard Newspaper, People’s Daily Newspaper, iyo African Fortune Magazine, kuwaas oo warbixino iyo warraysiyo ka sammaynayay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin

Ganacsiga, Nabada, Iyo Jaaliyadaha, sidoo kale weftigan suxufiyiinta ahi waxay booqashooyin ku sammeeyay gobolo ka mid ah somaliland. Ugu dambayntii Maanta ayay weftigan suxufiyiinta ahi dalka ka laabteen.