Hadii Uu Jamaal Sidan U Hadlay, Ma laga Yaabaa In Loogu Jawaabo Waa Lagaa Saaray Kulmiye?”Cali Guray.

0

 

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa a dareen celiyay qoraal uu Jamaal cali xuseen kaga hadlay xaalada dalka kuna dhaliilay rajada laga qabo dhismaha wadada berbera corridor iyo indho sarcaado badan oo xukuumada Madaxwayne Biixi ku marin habaabinayso shacabka.

Siyaasi Cali Guray ayaa Ku tilmaamay in qoraalka Jamaal cali xuseen keeni karo in xukuumadu ugu falceliso in laga saaro xisbiga kulmiye sidii caadada u ahayd xisbiga kulmiye .

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Hadii Uu Jamaal Sidan U Hadlay Ma laga Yaabaa In Loogu Jawaabo WAA LAGA SAARAY KULMIYE. Anigu Waxan u qaatay inuu Jamaal tebeyo furnaan iyo la xisaabtan (transparency and accountability) Saluugiisuna halkaa yahay.j

Anigu waan ka duwanahay oo xaalkaygu waa keen maafishtaba oo bal dhismaha wadada Uuni ha hirgasho oo ha la helo intii doontaa ha ku baxdo ciddii doontaana ha bixiso kii doonaana Qandaraaska ha Qaato eh.

Ta kale Ma filayo in dhismaha wadadu yahay hadal la iska yidhi Laakiin Heerka ay noqon doonto iyo inta haad ee ay noqon doonto hadda ma garanayo waayo wax faahfaahin ah lagama bixinin laakiin la arki doonee,

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)