Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa Muqdisho

0

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax xooggan oo laga maqlayay inta badan magaalada uu caawa ka dhacay agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta qaraxa laga maqlayay rasaas xooggan oo dhaceysa oo loo maleeynayo inay dhex mareysay kooxihii weerarka ku lug leh iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama gaar ahaan meel dadku ku badan yihiin kuwaasi oo ku shaaheeya kuna caweeeya maqaayadaha

Dadka qaar ayaa sheegaya in qaraxa u ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay jidka Maka Al-Mukarama, gaa rahaan agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama iyo maqaayadda ee Hillaac UK.

Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna sidoo kale Al-Shabab sheegteen in maleeshiyadooda ay gudaha u galeen huteelka Maka Al-Mukarama. Sarkaal dhinaca amniga ahna waxa uu sheegay in Al-Shabab ay ku jiraan dhisme ku dhagan huteelka Maka Al-Mukarama.