Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho.

0

Dawlada federaalka ahDawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho. ee soomaaliya ayaa ka hadashay weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka ay la wadaagayaan dhibaatada soo gaadhay.

Wasiir Geelle ayaa si gaar ah dhambaal tacsi ah u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi isaga oo sheegay in ujeedada falkan laga lahaa ay tahay in la khalkhal galiyo amniga iyada oo la laynayo dadka meheradahooda haysta.

Wasiir Geelle, ayaa sheegay in weerara noocan ah lala beegsado goobaha ay dadkku iskugu yimaadaan sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo dadkaasi dembi

ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan dalkooda.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda ku macneeyay in dadkii weerarka gaystay ku gabanayeen guryo ay leeyihiin dad shacab ahi.

Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.