Pakistan Oo Soo Riday Labo Diyaaradood Oo Hindiya Leedahay

0

Dawladda Pakistan ayaa sheegtay in ay soo ridday labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahahay Hindiya kuwaas oo soo galay hawadeeda Kashmir.

Pakistan ayaa intaas ku dartay in ay xirtay mid ka mid ah duuliyeyaashi diyaaradaha.

Sareeye gaas Asif Ghafoor ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha ay ku soo dhacday dhulka ay Pakistan maamusho halka midda kalana ay ku dhacday dhulka ay Hindiya maamusho.

Talaadadii ayay Hindiya qaadday weerarro dhanka cirka ah oo ka dhan ah malayshiyaad ku sugan Pakistan.

Weerarradaas ayaa looga aargoosanayay weerar ay malayshiyo ku qaadday ciidammada Hindiya ee ku sugan qaybta ayHindiya maamusho ee Kashmiir.

Xiisadda ayaa aad u sarraysay tan iyo 14 Feebaraayo markaas oo ciidammo sida milatariga u tababaran weerar is qarxin ah lagu bartilmaameedsaday, laguna dilay 40 askari

Arbacadii wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakisan ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Pakistan ay hawlgallo ka fuliyeen khadka difaaca ee kala qaybiya Kashmirta Pakistan iyo Kashmirta Hindiya.

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay diyaarado aan milatari wadin, si looga baaqsado dad dhinta iyo in dhibaato baaxad wayn dhacda.

Masuuliyiinta Hindiya ayaa sheegay in diyaaradihii Pakistan dib loo caabiyay.

Hindiya iyo Pakistan-ba waxay sheegtaan in ay leeyihiin gobolka Kashmiir ee Muslimiintu aqlabiyadda yihiin, mid kastana qayb ka mid ah ayuu maamulaa.

Labadan dal ayaa saddex jeer dagaalamay tan iyo markii ay xornimada ka heleen Britain 1947, marka mid laga reebana dagaalladaasi waxay salka ku hayeen Kashmiir.

Sources: BBC