Madaxweyne Mustafe Cagjar Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Goor-dhawayd Soo Gaadhay Somaliland Iyo Ujeedada Safarkooda

0

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa goor-dhawayd soo gaadhay magaalo xuduudeeda Wajaale.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa hadda waxana loo soo galbiyay dhinaca magaalada Hargeysa oo uu caawa u hayo doono.

Maalinta beri ah ayy Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ka qayb-galaya dhagax dhigga Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ” Berbera Corridor”, taasi oo la filayo in uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi dhagax dhigi doono.

Dhan kale waxa magaalada Hargeysa ku sugan wafti kale oo ka socda dawladda Imaaraadka Carabta kuwaas oo u yimid inay ka dhagax dhigga Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ” Berbera Corridor”

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa waftigan ku soo dhaweeyay magaalada Wajaale.