War Deg Deg Ah:-Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Doortay Gudoomiye Cusub

0

Gudoomiyaha cusub ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa goor dhawayd lagu doortay shirka ka socda Boorama.

Jagada gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa waxa isku soo sharaxay xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo iska casilay jagadii gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe oo uu hore u hayey, iyada oo uu la tartamay shariif Abokor Axmed.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa fadhiyey xubno gaadhaya 265 xubnood.

May jirin cid kula tartantay jagadaasi, waxaanay golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ku doorteen cod aqlabiyad ah waxaana u codeeyey 257.

Sidoo kale murashaxii la tartamayey ee Shariif Abokor Maxamed ayaa helay codad gaadhaya  13.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa ayaana sidaas ku


noqday gudoomiyaha rasmiga ah ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.