Sucuudiga oo haweenay u magacaabay danjirehiisa Maraykanka,waa maxay se sababtu

0

Sucuudiga ayaa sheegay in Amiiradda Riima Bint Bandar ay noqon doonto danjirahiisa cusub ee dalka Maraykanka, taas oo aha haweenaydii ugu horraysay ee boqortooyadu xil danjirenimo u magacawdo.

Magacaabideeda waxa lagu shaaciyey digreeto boqortooyo oo soo baxday Sabtidii. Amiirad Riima waxay qayb ka mid ah caruurnimadeedii ku qaadatay Washington oo ay ku kortay.

Waxay xilkan qabanaysaa xilli adag oo Sucuudigu isku dayeyeyo in uu dejiyo cadhadii heerka caalami ahayd ee ka dhalatay geeridii weriye Jamaal Khaashoqji.

Warar is burinaya oo ay ku faahfaahinayso wixii dhacay ka dib, ayaa boqortooyadu waxay kama dambaystii qiratay in Khaashoqji lagu dilay sanadkii hore qunsuliyadda dalkiisu ku leeyahay Istanbul oo uu galay.

Amiirad Riima waxay xilka kala wareegi doontaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada walaalkii oo ka yar, Amiir Khaalid Bin Salmaan, oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga.

Waxa kale oo ay qaadaysaa dhabbihii aabaheed Bandar Bin Suldaan oo ahaa danjireha Sucuudga u fadhiya Maraykanka 1983 ilaa 2005.

Maadaama oo aabaheed xilkaa hayey waxay caruurnimadeeda qayb ka mid ah ku noolayd dalka Maraykanka, waxaanay shahaadada koobaad ka qaadatay jaamacadda George Washington oo ay ka baratay daraasaadka matxafyada.

Tan iyo markii ay ku noqotay magaalada Riyaad 2005-tii, Amiirad Riima waxay ka shaqaysay xarumaha dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay labadaba.

Waxay xilal ka qabatay dhawr shirkadood oo kuwa ganacsiga ah oo ay ka mid tahay shirkadda Harvey Nichols oo ay madax ka noqotay qaybteeda Sucuudiga.

Amiiradda waxay dad badani u arkaan in ay tahay qof xuquuqda haweenka uga doodda dal badanaa lagu dhaliilo heerka sinnaan la’aanta labka iyo dheddiga.

Markii ugu dambaysay waxay ka shaqaynaysay wakaaladda maamulka ciyaaraha, waxa aanay xoogga saartay sidii loo kordhin lahaa ka qayb galka haweenka ee ciyaarah iyo jimicsiga.

Waxa kale oo lagu yaqaannaa dedaalka ay ugu jirto wax ka qabashada cudurka kansarka ee naasaha ku dhaca.