Deg Deg War, Dawlada Kenya oo Mamnuucday in dalkeeda Lasgusoo Galo baasaboorka dawlada xamar

0

Dawlada Kenya ayaa si ku meel gaadh ah u hakisay in dalkeeda lagu soo galo baasaaboorka soomaaliya.

Talaabada ay dawlada Kenya ku kacday ayaa sare u qaadaya khilaafka u dhaxeeya labada ee sababay inay kala qaataan safiiradii u kala fadhiyey Nairobi iyo Muqdisho, iyada oo aanay ilaa hada muuqan wax waan waan ah oo laga dhex wado labada dal.

Sidoo kale dawladahan Khilaafku u dhaxeeyo ee Kenya iyo soomaaliya ayaa ka warsugaya go’aanka ka soo bixi doona maxkamada ICJ ee ay dawlada Muqdisho u gudbisay dacwad kad han ah xukuudada bada oo ay ku muransan yihiin dalka Kenya.

Dhinaca kale dawlada Kenya

ayaa u muuqata mid haatan danaynaysa inay xidhiidh la samaysato somaliland, iyada oo xubno ka mid ah shaqaalaha dawlada somaliland ay dalkaasi ku tageen baasaaboorka somaliland.