Wariye Caan ahaa kana shaqayn jiray BBc oo xalay ku Geeriyooday hargaysa

0

llaahay ha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa xalay ku geeriyooday wariyihii hore ee BBC Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan.

Maxamed-Rashiid oo muddooyinkii dambe xannuunsanaa ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

“Wuxuu ku dhashay magaalada Boorama sannadkii 1946-dii, waxbarashada dugsiga hoose iyo ta dhexena wuxuu ku qaatay magaalada Awaare ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ka dibna dugsiga sare ee Sheekh ayuu ka baxay,” sida uu BBC-da u sheegay Axmed Siciid Cige oo ay BBC-da ka soo wada shaqeeyeen ka dibna ay rafiiq sii ahaayeen.

Maxamed-rashiid ayaa tacliinta sare ku soo qaatay dalalka Talyaaniga iyo Britain isaga oo shahaadada ugu sarraysa jaamacadda ee PHD qaatay, sida uu Axmed ka soo xigtay marxuumka.

Marka laga soo tago barnaamij soo saarihii uu ka noqday BBC-da meelaha kale ee uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ahaa, bangiga ganacsiga ee magaalada Buro.

Sannadkii 2010-kii ayuu u tartamay madaxweyne ku xigeenka Somaliland isaga oo u taagnaa xisbiga mucaaradka ah ee UCID, balse kuma uusan guulaysan.

Isla sannadkaasna Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u magacaabay lataliye dhanka ictiraaf raadinta ah.

Sannadkii xigay ee 2011-kiina wuxuu noqday wasiiru dawlihii arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Warihii hore ee BBC Axmed Siciid Cige oo ay aad isugu dhawaayeen ayaa sheegay in lagu xasuusto in uu ahaa nin aad u naxariis badan oo af gaaban, masaakiintana u naxariista.

“Illaahay ha u nasaxiirto Maxamed-Rashiid, qoyskiisiina Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo” ayuu yiri Cige oo ka tacsiyaynaya geeridan naxdinta leh.