Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay hoggaaminayso dalalka Afrika ee ay siiyaan maalgashiga tooska ah.

0

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay hoggaaminayso dalalka Afrika ee ay  siiyaan maalgashiga tooska ah.

Warsidaha East African Business Week , ayaa daabacday maanta  Warbixin ka soo baxday  Xafiiska Maalgashiga Dibadda ee Tooska (FDI)  ee Imaaraadka ayaa  shaaciyey  in Somaliland hormuud ka tahay dalalka ay maalgashanayaan, waxaana kaalinta labaad ku  jira dalka Masar.

Dawladda Imaaraadku  Waxay caddeysay  inay Somaliland wax kala qabanayaan dhinaca casriyeynta dekedda Berbera oo ay gelinayaan dhaqaale lagu qadaray 442 Milyan oo Doolar. Isla markaana ay saldhig Millatari ka furanayaan magaalo xeebeedda Berbera bisha June ee sannadkan.

Sidoo kale waxa
Xafiiska maalshiga  FDI ee dalka Imaaraadku sheegay inay  doonayaan inay noqoto  dekedda Berbera marin biyoodka ugu muhiimsan ee Geeska Afrika.

Mashaariicda ay maalgashanayso Imaaraadk Carabtu waxay  iskugu jiraan horumarinta dekedaha, Gaadiidka, macdanta, cusboonaysiinta tamarta, deegaanka iyo horumarinta adeegyada maaliyadda.

Siday faafisay Wakaalladda Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay warbixinta  East African Business Week,oo  ku warantay  in danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya Md. Baashe Cawil Cumar oo hore u ahaan jiray Wakiilka Somaliland ee Imaaraadku uu kaalin weyn ka qaatay suurtogelinta iskaashiga iyo maalgashiga Imaaraadka Carabtu ka fulinayo Somaliland.