Wakiilka Somaliland Ee Kenya Amb Baashe Cawil Sidee Ayuu U Arkaa Khilaafka Nairobi Iyo Muqdisho

0

Wakiilka somaliland ee dalka Kenya Baasha Cawil Cumar ayaa ka hadlay xidhiidhka xukuumaday ee soomaaliya iyo Kenya.

Baashe Cawil ayaa sheegay in labada dalba ugu baaqay inay wanaag iyo isafgarad ku dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa jira khilaaf soo kala dhex galay labada dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan xuduuda bada ee ay leeyihiin, arimahan oo kale marka ay dhacaana waxa fiican marwalba oo wanaagsan in isafgarad iyo wanaag lagu dhameeyo.”ayuu yidhi Amb Baashe Cawil oo la hadlay telefishanka dawlada somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanu khilaafka waxba u kordhinayn labada dhinac isla markaana ay dajiyaan

Cidna waxba uma tarayo marka khilaafku sidan oo  kale u cakirmo waxaanan u rajaynaynaa in labada dhinac ay arinkan dajiyaan oo si maskaxaysan oo isafgarad leh u dhamaystaan khilaafkooda anaguna waanu ugu ducaynaynaa.”