Safiirka Somaliland Ee Itoobiya Oo Ka Hadlay Guddi Midawga Afrika U Saaray Arinta Somaliland Iyo Mashruuca Berbera Corridor.

0

safiirka somaliland ee wadanka Itoobiya Axmed Cigaal ayaa ka hadlay wakhtiga la shaacinayo bilawga wadada Berbera Corridor ee isku xidhaysa somaliland iyo Itoobiya.

Safiir Axmed Cigaal oo la hadlay warbaahinta Itoobiya ayaa sheegay in hirgelinta mashruuca Berbera Corridor uu faa,iido balaadhan u leeyahay labada dalka.

Safiir Axmed Cigaal  oo ugu horayn ka hadlaya mashruuca wadada Berbera ilaa Wajaale ayaa waxa uu yidhi “Mashruuca waddada Berbera Corridor ee isku xidhaya Itoobiya iyo somaliland oo ah wadooyin muhiim ah waxa uu sahlayaa in alaabta Itoobiya ee ka soo degta Berbera ay si fudud u gaadhaan Addis Ababa iyada oo 11 saacadood

oo kaliya u kala socon doona, wadadaas tayadeedu waa mid aad u fiican, mashruucaas Berbera Corridor-na ma guulaysanayo hadii aanay Itoobiya ka qayb qaadan iyada oo saamiga ay Itoobiya ku leedahay dekeda Berbera ee 19% uu albaab cusub u furayo iskaashiga labada dal.”

Amb Axmed Cigaal ayaa intaas raaciyey “Dekeda Berbera waa mid faa,iido u leh Itoobiya si ay u hesho bad dheeraad ah oo ay u sahasha inay hesho adeegyada dekeda ee ay u baahan tahay taas oo sii xoojinaysa horumarka dhaqaale ee la gaadhay tobanaankii sano ee ugu dambeeyey, siyaasadaha hada jiraa waxay u baahan yihiin in la balaadhiyo dekeda berbera, somaliland-na waxay doonaysaa inay ku soo xidhanto Itoobiya isla markaana ay ka hesho waxyaabaha ay u baahan tahay oo dhan,taas oo faa,iido u leh dhaqaalaha iyo shacabka labada wadan ee somaliland iyo Itoobiya.”

Amb Axmed Cigaal ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay jidkani “Jidka Berbera Corridor waxa kale oo uu door muhiim ah ka qaadanayaa kor u qaadida ganacsiga labada dal gaar ahaana waxsoosaarka dhinaca beeraha iyo warshadaha ee ay Somaliland ka soo dhoofsato dalka Itoobiya taas oo sanadkii lagu qiyaaso lacag gaadhaysa 800Million oo doolar.”

Sidoo kale wakiilka somaliland ee Itoobiya Axmed Cigaal ayaa sheegay in midawga Afrika ay guddi gaar ah u xilsaareen arinta somaliland waxaanu yidhi “Midawga Afrika waxay xaqiiqsadeen qadiyada somaliland waxaanay u xilsaareen guddi xaqiiqo raadin ah oo loogu baaqay inay helaan hab gaar ah oo lagu maareeyo arinta somaliland balse wali si rasmi ah loogama doonin.”

Sidoo kale wakiilka somaliland ee dalka Itoobiya Axmed Cigaal ayaa ka hadlay doorka ay Itoobiya kaga jirto geeska Afrika, isaga oo xusay in raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed uu hormood u yahay siyaasada dhinaca wanaagsan u socota ee gobolka.