DEG DEG WAR, Xafiiska raysalwasare Apy oo Daboolka ka qaaday Qodabadii aay kawada hadleen madxawyynaha somaliland iyo raysal wasaare Apiy

0

Xafiiska Raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa war ka soo saaray kulan dhexmaray madaxweyne Muuse Biixi iyo raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed.

Warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu cadeeyey qodobada ay labada masuul kaga wada hadleen kulankooda iyo waxyaabaha ay isla qaateen.

warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa laguyidhi “Labada dhinac waxay falanqeeyeen oo ay isku raaceen qodobo muhiim ah oo ay ku jiraan kor u qaadida xidhiidhka ka dhaxeeya labada shacab, hubinta wanaaga dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan somaliland iyo in laga wada shaqeeyo nabada iyo deganaanshaha.”

Warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxyaabaha uu madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay Dr. Abiy Ahmed “Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu qiray in talaabooyinka uu qaaday raysal wasaare Dr. Abiy ee ku saabsan isbadalada gobolka isla markaana soo jeedinta raysal wasaaraha ee la xidhiidha in la xoojiyo wada shaqayn dhexmarta somaliland iyo dawlada federaalka ah ee soomaaliya.”

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in hore loo gaadhay heshiisyo ogolaanaya in mustaqbalka la wada hadlo.

Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha somaliland ayaa sidoo kale warku sheegay inay ka wada hadleen isticmaalka dekeda Berbera iyo xidhiidhada kale ee dhinaca dhaqaalaha ee u dhaxeeya Hargeysa Iyo Addis Ababa.