Kenya oo Wel Wel Ka Muujisay Ciidamadeeda ku Sugan Soomaliya

0

Xog xasaaisya:Kenya oo war ka soo saartay ciidamada ka jooga Somalia waxay ka yeeli doonto maadaba aan Somalia laga dooneyn oo halis la geliyo

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay xaaladda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya kadib markii ay xidhiidhka diblomaasiyeed u jartay dowladda Soomaaliya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka jirta cabsi xooggan oo ku saabsan in kadib tallaabadii ay qaaday dowladda dalkaas, in ciidamada Kenya ay noqon karaan kuwa halis gala maadaama aan dalka Soomaaliya laga dooneyn.

Hase yeeshee waxaa taas ku gacan saydhay xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo sheegay in ciidamada Kenya ay isku filan yihiin, siina jooga doonaan Soomaaliya, sababtoo ah kuma joogaan magaca Kenya.

“Ciidamadeena waxa ay muddo ka shaqeynayeen deegaan halis ah, wayna garanayaan sidii ay isku difaaci lahaayeen. Si kastaba, ciidamadeena kuma joogaan Soomaaliya ayaga oo ka socda Kenya, balse waxay ku joogaan ayaga oo ku shaqeynaya magaca Amisom” ayuu yidhi Macharia Kamu.

Ergeygii hore ee gaarka ahaa ee Soomaaliya ee QM, Abuukar Armaan oo qoraal kooban soo dhigay twitter, ayaa sheegay in go’aanka ay Kenya xidhiidhka diblomaasiyeed ugu jartay Soomaaliya ay ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ka dhigeyso kuwa duulaan ku ah Soomaaliya.

“U yeedhashada Kenya ee safiirkeeda, iyo weydiisashada safiirka Soomaaliya inuu ka baxo dalkaas, waxay joogitaanka ciidamada KDF ee Soomaaliya ka dhigeysaa kuwa weerar ah. Waxaa jira marar ay diblomaasiyaddu tahay inay noqoto mid toos ah oo cad” ayuu ku yidhi Armaan qoraalka uu soo dhigay bartiisa twitter.