Gudoomiyaha ganacstada Jadka Miirooga Kenya oo ku hanjabay in aay Joojinayaan Jaadka taga Soomaaliya,

0

Afhayeenka Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa Warbaahinta u sheegay haddii Somaliya ay sii wado muranka dhanka badda ee Kenya kala dhaxeeya, inay joojinayaan qaadka ay keenaan dalka.

“Kuma iibsan karno Qaad madax banaanida dalkeenna, Soomaaliya mar waliba waxa ay ku gooddisaa Qaadka Soomaaliya si ay u soo jeediso dareenka Dowladda Kenya.” Ayuu yidhi mr Kimathi Munjuri.

Qaadka Kenya ee Soomaaliya soo gala maalin waliba waxaa lagu sheegay 50 tan in uu gaarayo waxaana dowladda Kenya maalin kasta ka heshaa Suuqa Qaadka Soomaaliya 100-Milyan oo shilinka Kenya ah.