Dawlada Kenya oo Xidhiidhkii Dublamaasi u jartay dawlada farmaajo,

0

Safiirkii soomaaliya u fadhiyey magaalada Nairobi Maxamed  Axmed Nuur (Tarsan) ee xarunta dalka Kenya ayaa si deg deg ah uga soo baxay dalkaasi.

Danjire Tarsan ayaa ka soo baxay dalka Kenya ka dib markii dawlada Kenya ay ku amartay  inuu 24 saacadood gudahood kaga baxo dalka isla markaana ay u yeedhatay safiirkii u fadhiyey magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Dawlada Kenya ayaa talaabadan qaaday ka dib markii ay sheegtay in Soomaaliya ay ka soo jawaabi wayday cabasho ay ka muujisay ceelal shiidaal oo ku yaala xuduuda bada ee lagu muransan yahay.

Dhinaca kale danjiraha Kenya u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa filayaa inuu maanta xamaantiisa ka urursado isla markaana u socdaalo dhinaca

dalkiisa.

Xidhiidhka soomaaliya iyo Kenya ayaa haatan maraya meeshii ugu xumayd, iyada oo khilaafka labada dal uu marayo meeshii ugu saraysay.