Trump: Kuma qanacsani heshiiska la gaaray

0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu u riyaaqsanayn heshiiska ay wada gaadheen sharcidajiyayaasha kaasi oo ah dhismaha xayndaab xaddidan laga yagleelo xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico, hasayeeshee ma aanu xusin inuu dhici doono hakad kale oo ku imaada hawlaha dawlada murankan darbiga ka taagan aawadeed.

Dhinaca kale Illaa hadana Madaxweynuhu ma aanu sheegin inuu saxiixi doono heshiiskan oo ay ku jirto $1.375 billion oo dollar oo loogu talogalay in lagu dhiso 88 kilometer oo ah xayndaab cusub oo xadka ah, lacagtaasi oo ah afar meelood meel ahaan lacagtii uu hore Trump darbiga ugu rabay oo ahayd $5.7 billion oo dollar.

Talaabadan ayaa ka hortagi karta in saddex todobaad kadib markale hawlaha dawladu ay hakad galaan kadib markii bishii hore ay soo gabagabowday 35 maalmood oo qayb ahaan hakad ku jireen.