Dhaxal Sugaha Boqortooyada sacuudiga oo Arin calamka islamku la yaabay ka sameeyay Kabcada

0

Waxaa baraha bulshada si weyn loogu hadal hayey dood ka dhalatay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo shalay ku tukaday Kacbada Sharafta leh dusheeda, markii uu halkaasi la tegay ciidamada faro badan.

Dhaxal-sugaha ayaa booqday Kacbada, iyadoo ay la socdaan mas’uuliyiin iyo ciidamadii amniga ee ugu badnaa, waxaana kacbada laga saaray dhammaan dadkii ku sugnaa xilligaasi si uu isaga keligiis ugu noqdo.

Waxaa la arkayey Maxamed Bin Salmaan oo dusha sare ee Kacbada ku tukanaya iyo isagoo dhunkanaya Dhagaxa Madow ee la barakeysto, waxayna taasi dhalisay iyo sawirrada iyo muuqaalladiisa lagu baahiyo baraha bulshada oo si weyn looga hadlay.

Dadka qaarkood ayaa arrintaas ku sheegay inuu isaga dhaqayo dhiigii saxafiga uu dilkiisa ka danbeeyay ee Jamal Kashoqgi, halka qaar kale ay ku amaaneen inuu booqdo Kacbada.

Maxamed Bin Salman ayaa noqday qofkii ugu horeeyey oo fuulay kacbada korkeeda marka laga reebo Bilaal Ibnu Rabaax oo uu Rasuulka amray inuu fuulo kacbada markii Gaalada laga furtay Magaalada Makka Al-Mukarama.

Bilaal ayaa kacbada korkeeda ku fuulay amarka Rasuulkeena CSW, waxayna dadka qaar ku tilmaameyn falka uu sameeyey Maxamed Bin Salmaan arrin kibir iyo isla weynin ah.